Waxaa maanta kulan ku dhex-maray wasaaradda arrimaha gudaha ee Finland wasiiradda ajaanibta Astrid Thors iyo guddiga fulinta ee ururka midnimada soomaaliyeed ee Finland, kulankaas oo qaatay muddo saacad iyo bar ah.

Waxaa kulankaas ka qayb galay Guddoomiyaha jaaliyadda soomaaliyeed ee Finland Cabdirashiid Cawed Diiriye, Guddoomiye ku xiggeenka jaaliyadda Cabdcasiis Goodax, Af-hayeenka ururka Yaasiin Cabdi Raage, Xoghayaha dhaqaalaha Muuse Cumar iyo ku xiggeenka arrimaha bulshada Faarax Cabdulqaadir.

Ula-jeedadii kulanka ka danbeyseyna waxay ahayd sii xoojinta wada shaqaynta ururka  iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda dhexe uguna horeyso wasaaraadda ajaanibta. Waxaa kaloo laga hadlay siddii meesha looga saari lahaa caqabadaha hortaagaan in ay shaqo helaan dadka soomaaliyeed ee xirfadleyda ahi iyo si dadkaas soomaaliyeed ee xirafadda lihi uga shaqayn lahaayeen goobaha mihiimka ah ama xarumaha dowladda. Waxaa kaloo iyana laga hadlay arrimaha la xidhiidha xagga waxbarashada iyadoo si gooni ah farta loogu fiiqay dadka aan waxna qorin waxna aan akhriyin loona baahan yahay siddii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa iyo siddii dadka soomaaliyeed wadankan ula qabsan lahaayeen,  iyadoo loo marayo hadba qaabka ugu macquulsan ee arrimahaasi lagu meel marin karo.

Arrimihii kale ee laysla soo qaaday waxaa iyana ka mid ahaan qaxootiga cusub ee soomaalida ah ee ku jira xeryaha kala duwan ee Finland iyo sidii xaaladdooda loola socon-lahaa. Waxaa iyana wasiirka lagala hadlay siddii dadka soomaaliyeed ee jiran ama aan waxba ku soo baran wadankoodii hooyo isla markaana iyagoo weyn Finland yimi loogu fududayn lahaa qaadashada baasaboorka wadanka Finland, kaasoo qaadashadiisa lagu xidho in uu qofku si fiican u yaqaano kuqadda finnishka.

Inkastoo ay jiraan horumar laga sameeyey xagga la qabsiga wadanka Finland kuwaasoo ah in soomaali badani wadankan wax ka barteen iyadoo loo aaneynayo axbarashada wadankan oo bilaash, isla markaana la helayo dad soomaaliyeed oo jaamacaddaha wax ka dhiga, kuwo leh ganacsiyo kala duwan, soomaali badan oo siyaasiin ahina jiraan oo kala ah kuwo ku kala jira xildhibaanada degmooyinka, hadana waxaa weli muuqata wax ka qabad badan oo la xidhiidha arrintaas. Isku soo duuboo wuxuu ahaa kulan aad u mihiim ah dhacayna wakhtigii ku haboonaa