torstai, 4. marraskuu 2010

Xisbiyada xagjirka oo ku soo badanaya siyaasada dalka Finland

Xisbi cusub oo lagu magacaabo ( vapauspuoule ) ayaa codsigiisa ku wareejiyay wasaaradda caadalada, xisbiga ayaa soo ururiyay tirada codka laga rabo xisbiyada cusub ee isdiwan gelinaya. Xisbigaan ayaa noqonaya xisbigi saddexaad ee kusoo biira siyaasadda finland oo ah mid kasoo horjeeda ajaanibta.

Xisbigaan ayaa qorsheynaya inuu ka qeyb qaato dooraashoyinka baarlamaanka dalka finland ee sanadka soo socda. Xisbigaan ayaa aragtidisu ku dhisan tahay ajaanib naceyb, xisbigan ayaa ah mid kasii xagjirsan xisbiga
(perussuomalaiset) ee kujira baarlamanka.

Hogaamiyaha xisbigan ayaa ah nin lagu magacaabo Kalevi Helo, waxaa kaloo xisbiga kusoo biiray Olavi Mäenpää oo ah oday ka tirsan golaha degaanka magaalada Turku oo ah nin caan ku ah inuu dhaleceyn usoo jeediyo ajaanibta iyo diinta islamka.

torstai, 4. marraskuu 2010

Dowladda Finland oo tarxiileysa ajaanib badan

Wadanka Finland waxaa kusoo kordhay tarxiilka dadka ajaanibta loo jaro. Sanadkaan tirada dadka la tarxiilayo ayaa ah labo jibaar tiro ka badan dadkii la tarxiilay sanadkii hore.

Sagaalki bilood ee lasoo dhaafay, waxaa tarxiil loo jaray 349 qof. Booliska ayaa sheegaya in arintaan eysan lug ku laheyn dhacdadii (Sello) oo ninki udhashay kosova uu ku dilay shacab finlandeysa ah.

Dadka la tarxiilo ayaa ubadan, kuwa danbiyo waaweyn ka galay dalka Finland. Waxaa jirta wiil somali ah oo loo tarxiilay Soomaaliya, gaar ahaan somaliland, wiilkaas ayaa arrintiisa wali dod ka taagan tahay, iyadoo maamulka somaliland ey ka codsadeen in dowladda Finland wiilkaas dib usoo celiso, laakiin dowladda Finland ayaa arrintaas dhegaha ka xiratay

torstai, 4. marraskuu 2010

xoriyo iyo ciyaaraha Xulka qaranka Finland oo markii sadexaad guuldareystay

Xulka qaranka Finland ayaa niyad jab kala kulmay xulka wadanka Hungary oo kaga adkaaday 2-1. Ciyaartaan ayaa kamid aheed isreeb reebka koobka Yurub.

Ciyaarta ayaa aheyd mid muhim u ah xulka qaranka Finland, ciyarta  waxa gool kowad ku hormaray dalka Hangari, xulka finland aya barajeeyay daqiiqadihi udanbeyay ciyarta, lakin dalka Hangari aya goolkii guusha dhashaday daqiiqadihi lagu daray ciyarta.

Xulka qaranka Finland ayaa rajadiisa aad uyartahay iney ka qeyb galaan ciyaaraha kubadda cagta ee qaarada Yurub. Xulka qaranka Finland ayaa sadex guuldarro ah kasoo hooyey ciyaarahan isreeb reebka, iyadoo hore uga soo badiyeen xulka Holland iyo Moldova

torstai, 4. marraskuu 2010

URURKA MIDNIMADA SOOMAALIYEED EE FINLAND OO KULAN LA YEESHAY WASIIRRADDA AJAANIBTA EE FINLAND

Waxaa maanta kulan ku dhex-maray wasaaradda arrimaha gudaha ee Finland wasiiradda ajaanibta Astrid Thors iyo guddiga fulinta ee ururka midnimada soomaaliyeed ee Finland, kulankaas oo qaatay muddo saacad iyo bar ah.

Waxaa kulankaas ka qayb galay Guddoomiyaha jaaliyadda soomaaliyeed ee Finland Cabdirashiid Cawed Diiriye, Guddoomiye ku xiggeenka jaaliyadda Cabdcasiis Goodax, Af-hayeenka ururka Yaasiin Cabdi Raage, Xoghayaha dhaqaalaha Muuse Cumar iyo ku xiggeenka arrimaha bulshada Faarax Cabdulqaadir.

Ula-jeedadii kulanka ka danbeyseyna waxay ahayd sii xoojinta wada shaqaynta ururka  iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda dhexe uguna horeyso wasaaraadda ajaanibta. Waxaa kaloo laga hadlay siddii meesha looga saari lahaa caqabadaha hortaagaan in ay shaqo helaan dadka soomaaliyeed ee xirfadleyda ahi iyo si dadkaas soomaaliyeed ee xirafadda lihi uga shaqayn lahaayeen goobaha mihiimka ah ama xarumaha dowladda. Waxaa kaloo iyana laga hadlay arrimaha la xidhiidha xagga waxbarashada iyadoo si gooni ah farta loogu fiiqay dadka aan waxna qorin waxna aan akhriyin loona baahan yahay siddii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa iyo siddii dadka soomaaliyeed wadankan ula qabsan lahaayeen,  iyadoo loo marayo hadba qaabka ugu macquulsan ee arrimahaasi lagu meel marin karo.

Arrimihii kale ee laysla soo qaaday waxaa iyana ka mid ahaan qaxootiga cusub ee soomaalida ah ee ku jira xeryaha kala duwan ee Finland iyo sidii xaaladdooda loola socon-lahaa. Waxaa iyana wasiirka lagala hadlay siddii dadka soomaaliyeed ee jiran ama aan waxba ku soo baran wadankoodii hooyo isla markaana iyagoo weyn Finland yimi loogu fududayn lahaa qaadashada baasaboorka wadanka Finland, kaasoo qaadashadiisa lagu xidho in uu qofku si fiican u yaqaano kuqadda finnishka.

Inkastoo ay jiraan horumar laga sameeyey xagga la qabsiga wadanka Finland kuwaasoo ah in soomaali badani wadankan wax ka barteen iyadoo loo aaneynayo axbarashada wadankan oo bilaash, isla markaana la helayo dad soomaaliyeed oo jaamacaddaha wax ka dhiga, kuwo leh ganacsiyo kala duwan, soomaali badan oo siyaasiin ahina jiraan oo kala ah kuwo ku kala jira xildhibaanada degmooyinka, hadana waxaa weli muuqata wax ka qabad badan oo la xidhiidha arrintaas. Isku soo duuboo wuxuu ahaa kulan aad u mihiim ah dhacayna wakhtigii ku haboonaa

torstai, 4. marraskuu 2010

Isuduwaha Waxbarashada Gobolka Sanaag oo Xilkii Iska casiley.

CEERIGAABO(OWN) Isuduwihii Waxbarashada gobolka Sanaag C/raxman Siciid (Xuubey) oo maalmahanba safar shaqo ugu sugnaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa sida isagoo khadka telefoonkka ngula soo xidhiidhay uu noo xaqiijiyey wuxu iska casiley xilkii guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Sanaag, taasoo uu sheegay in wasiir-kuxigeena wasaaraddani uu aqbalauy is casilaaddiisan

Isuduwaha xilkiisa iska casiley ayaa sheegay in  is casilaaddiisuku hayso khilaaf soo kala dhex galay isga iyo agaasimaha guud ee wsaaraddan M-r-Cali Caliyoew. Isagoo arrintaas ka hadlayana wuixu yidhi

“Agaasimaha guud ayaa markii aan Hargeysa galay waxan xafiiska ugu tegey warqad uu qoray oo isagoo aan waxba ku sababayn uu leeyahay baabuurka ha laga tiriyo anigoo shaqadii haya, taasoo aan u arkay in ay tahay maammul-xumo iyo aqoon darro agaasimaha ka haysata hawshan waayo shaqada ayaa ka horraysa baabuurka oo layga tiriyo, kaddibna uu Nairobi u duulay”. Isagoo ka hadlaya aragtida madaxda agaasimahan uga sarraysa wasaaraddu ka qaateen arrintan ayuu yidhi “Wasiirkii ma joogo laakiin wasiir-kuxigeenkii wuxu yidhi mar haddii agaasimahani u dhashay gobolka Sanaag aniguna waxba kama qaban karo.  Kaddibna sidaas ayaan ku go’aansaday aniguna in aan iska casilo xilkaas”.

Dhinaca kalena isuduwahan is casiley ayaa muddadii koobnayd ee uu hayey xilka isuduwennimo ee gobolka Sanaag waxa gobolka laga dareemay horumar badan oo xagga waxbarashada uu kka sameeyey, taasoo la odhan karo dedaalkiisii in si kale xukuumaddu u turjumatey.

  • Blogi-arkisto

  • Tagipilvi