CEERIGAABO(OWN) Isuduwihii Waxbarashada gobolka Sanaag C/raxman Siciid (Xuubey) oo maalmahanba safar shaqo ugu sugnaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa sida isagoo khadka telefoonkka ngula soo xidhiidhay uu noo xaqiijiyey wuxu iska casiley xilkii guddoomiyaha waxbarashada ee gobolka Sanaag, taasoo uu sheegay in wasiir-kuxigeena wasaaraddani uu aqbalauy is casilaaddiisan

Isuduwaha xilkiisa iska casiley ayaa sheegay in  is casilaaddiisuku hayso khilaaf soo kala dhex galay isga iyo agaasimaha guud ee wsaaraddan M-r-Cali Caliyoew. Isagoo arrintaas ka hadlayana wuixu yidhi

“Agaasimaha guud ayaa markii aan Hargeysa galay waxan xafiiska ugu tegey warqad uu qoray oo isagoo aan waxba ku sababayn uu leeyahay baabuurka ha laga tiriyo anigoo shaqadii haya, taasoo aan u arkay in ay tahay maammul-xumo iyo aqoon darro agaasimaha ka haysata hawshan waayo shaqada ayaa ka horraysa baabuurka oo layga tiriyo, kaddibna uu Nairobi u duulay”. Isagoo ka hadlaya aragtida madaxda agaasimahan uga sarraysa wasaaraddu ka qaateen arrintan ayuu yidhi “Wasiirkii ma joogo laakiin wasiir-kuxigeenkii wuxu yidhi mar haddii agaasimahani u dhashay gobolka Sanaag aniguna waxba kama qaban karo.  Kaddibna sidaas ayaan ku go’aansaday aniguna in aan iska casilo xilkaas”.

Dhinaca kalena isuduwahan is casiley ayaa muddadii koobnayd ee uu hayey xilka isuduwennimo ee gobolka Sanaag waxa gobolka laga dareemay horumar badan oo xagga waxbarashada uu kka sameeyey, taasoo la odhan karo dedaalkiisii in si kale xukuumaddu u turjumatey.